Anigoo baraad li’i
Baydkeeyga jiifaa
Boholhoow kalgacalkaba
Adaa igu beeree

Waxaad billoowdoo
Ka baxdid maahee
Axdigu buuraha
Ka baaxad weeeyn
Hoooy ha haha

Naftayda baahan
Bugtaadu haysoo
Haddaadan baanan
Waa loo baqaa

Anigoon dabaal baran
Caashaqa baddiisii
Waa anigan dhex boodoo
Baaxaa dagaaayeeee

Aniga u bareeree
Buulkii quraanjiyo
Barbaaristaydii
Maxaa kasoo baxay

Naftayda baahan
Bugtaadu haysoo
Haddaadan baanan
Waa loo baqaa

Exit mobile version