VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Calan - Lyrics

Calan muuqloo Cisilaa tahay Caaraf khayrliyo Curad baa tahay Caawa dhaladiyo Caqli kaaboow Caadil barinaye Cimrigaa raag Markaan cadawgii Ciiddiii galinee Cudud xoog badan Ku caburiniyoo Waxaan ciil baxay Cishadaad timid Markaad curataa Cirkuba hibo furay Dhulka ciiriyo Caano laga helay Heesaha caanaa Laguu curiyee Calankaygoow Laydha la ciyaar Calan midabloo Cawalaa tahay Cirka u egoo Caafimaad dhala Mid canaaniyo Cay ma gaydidee Caadil barinayee Cimrigaa raag Markaan caqligiyo Xeer cuskadayoo Diin caqiida leh Ku cawayniyoo Waxaan ciil baxay Cishadaad timid Markaad curataa Cirkuba hibo furay Dhulka ciiriyo Caano laga helay Heesaha caanaa Laguu curiyee Calankaygoow Laydha la ciyaar
Queue is empty
-- / --