logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Fuliyaha wadnaha mp3 ahaan

Fikradaada ka dhiibo heestan

Fuliyaha wadnaha lyrics

fuliyaha wadnaha iyo
feedheydii bidixeey
furihii naftaydiyo
farxaddii jacaylkaay
Lyrics by Masuul.com

faca iyo gayaankiyo
filka kacay haweenkee
faaskii ugu sarreeyee
fanka loogu heesaay

fahan weedhayda oo
caashaqan fogaadee
ila fuulay buuraha
bal furdaami inanyahay

fiicnaantii qalbiga iyoo
ubax fiirma wacaneey
igu filan waxaa tahay
heedhe aan ku faanee

fanatasiyo aroosiyo
feesta loo tumaayee
aan faaiido gaarnee
ku filnoow dhankaaga

fahan weedhayda oo
caashaqan fogaadee
ila fuulay buraha
bal furdaami inanyahay…

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --