Qalbigan jamashadu hagayso
jaleecada aragtidaaada
Jal bu arkaa xabiibi

dareenkani kuu jidbaysanp
Jawaabtiyo hadaladaada
Januu u yaqaan xayaati

Kun jeer adigaa i Deeqaw
Jacaylkaagaan u xiisay
Ag joogaagaan u baahday

Dookhani kalgacaylku jiitay
Jiheeyaha caashaqiisu
Aduu kula jiraa macaneey

Naftaada naftani u jeelan
Sidaad jiro ugu abuurtay
udhaahdiyo juuqdi daayey

Exit mobile version