naf baa kuu jecel si dhaba
nal baa uga shidan korkaa
nooc baad ii tahay aniga

nudaad iga taal wadnaha
naq baad ii tahay udgoon
niyada adigaa ku qoran

dareen naxariis godlada
qalbiga kugu naban adiga
hanka nasabeey ku jecel

naf bad u carbuunan tahay
nabdiga adigaa qabsaday
nuurkiyo aragaana tahay

anoo kuu nugul in badan
nasiib aaayaha danbiyo
waqtaan nolol kula suga
ereyada abwaan ismaciil cabdinuur

Exit mobile version