VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waan dalaalayaa - Lyrics

waan dabaal degayaaye wax i dhibayaan diidayaa dantaydaan daryeelayaa dookhayga anigaa ogoo farxad baan kuu diyaarinayaa waan u dabaal degayaa waan dabaaldegayaaye himiladaan doonayoo dadaal baan ugu jiraa hadii aan guul daraystana waan daalay kuma degayee duruus baan ka qaadanayaaye docdaa khaladku soo galaybaan diiwaankayga ka saxayaayoo dibaan u bilaabayaa waan dabaal degayaaye duruufuhu ima celinayaanoo dunidan iguma ciilanayaaye duunyo haday ii hayso danahayga ma gaabinayee nafna daa'in ma abuurayoo wax i dheeri masoo degin mana dulayn adoomihiisoo waxay tabaan uma diidin ima daayicin ima doorinin waa deeqsiyo ima dayrinin dabciguu isiiyay maan daadinin waan dadaalayoo ma aan daciifin waan dabaal degayaayee anigana damiirkaygiyo dulqaadkaygu muu lumin ruux dilaaliyo danaystaha dawgiisii maan marin madaxayga umaan dajin hoos umaan dhigin shakhsi igu diganayoo baahidayda aan dareemin doorkuu magacaygu joogo daryeelkiisu ani weeyi ruux daneeyaa dibjirna ana diiday ana nashaado ruuux i daafacaya ma dooxayee waan dabiiibayaa waan dabaaldegayaaye waan dabaal degayaaye
Queue is empty
-- / --