caashica xiligii madooba
gefkiyo xumihii loo geystay
go'doon xayirnidii la saaray
xasuuqi loola badheedhay
xogtan ka daabacay u fiirso

ileyn gumeystaha xishoone
intuu xuquuqdood la aasay
dadkii lagu xeeray gaadhka
way garbo duub loo wada xidhay
xabad lagu rusheeyay

wuxuu xinjiraha dhiigu
sameeyay sidii xareeda
la moodo xuunshadii haadka
dugaagu muxuu ku xoorey
god dheer maxaa lagu xabaalay

xiligu waa subaxda nooce
horta xamdi naq waxa leh
allaha xukunkii na dhaafshey
xornimada na siiyay

dadkii kibir lagu xasuuqay
xiskooda ha loo duceeyo
allow ka waraabi xawdka
janada xaruun uga yeel

Exit mobile version