Heesta Aduunyada Dhib badnaa - Lyrics
dadku dhimashadiisiyo ma sii oga dharaartuu
dhufanaayo malaguye
qof waliba dhankiisu is dhaliilayayoo dhididka
iska tiraya
hayeeshee lama dhaadin wali dunidan aan ku
dhaqanahay waxa ay ka dhigantahe
waa dharab arooryaadooyaadoo ka abuurma
dhadadoo
qofna kama dhargaayee dheeraa hamadu wadku
soo dhawaa naftu dhoy la aayee aduunyadu
dhib badanaa
nin dhamaystay noloshoo soo liqay dhankiisoo
dhaq dhaqaaqi gabaybaa
moodayn dharaar qudha inuu soo dhadhamiyoo
wali dheehanaaye
hayeeshee lama dhaafin wali ana dhaxal ka tagay iyo
faaladii dhexdeenee
waa dhaxanta jiilaalee waa dhalaala dayreedee