Heesta Cawodhalad hadaan ahay calafbaa ikaasiin - Lyrics
jiro iyo wad mooyee cimrigiyo aduunyada
caqli iigumuu hadhin
misna caawa ka hor cindigayga muu galin
caashaqa haweenkuye
dookhii cilaalnaa caariyoo candhada keen
car carta iyo xiisaha caga dhiganba waaye
curub yahay baxaysaa cidba kuuma quudhee
cawo dhalad hadaan ahay calafbaa i kaa siin
tumashiyo ciyaar iyo cada loolka gaabsiga
in kastoon ku caan baxay
cadradii hablaha ugub qurux igu cajabisaba
cawayskii makali jiray
cuduurada jacaylkiyo ciladbaan la soo baxay
aragaagii curiyoo soo ciiray haatane