inta ay dantaydiyo
noloshaydu diiq tahay
ama uu dayacanyahay
ee aabahay darxumo qabo
naftaydaay ha daalin

dugsigiyo tacliintana
hadayninin
qaarkaa wixii dilay ha doonin
waa iga dardaarane
ayuu damacu kuu gayn

waxaan kugu dagaalaa
ama kugu dirqinayaa
ee dabaca uurkiyo
dabcaloosha iga shiday
waa darajadaadee
raaxadaada dunidee
hadiidin qaarkaa
wixii dilay hadoonin
waa iga dardaarane
ayuu damacu kuu gayn

duni laga caraabiyo
gabal sii dumaayiyo
dayax dhacay inay tahay
dada maanta joogtaa
doqoni waa magaratee
adigoo udayme le
digtoonow qayrkaa wixii
dilay ha doonin
waa iga dardaarane
ayuu damacu kuu gayn

Exit mobile version