VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ayaan - Lyrics

Ayaaneey haweenkiyo Aynigan hablaha jira Edebtiyo xishoodkiyo Asluubaad ku dhaaftee 2× Alihii ku uumaa Qurux kuu idleeyoo Saxansaxo udgooniyo Ubax soo baxaa tahay 2× Ilayskii cadceediyo Nuur iftiimayaa tahay 2× Ifka intaan ku noolahay Ku ilaawi maayee Uurkaad ku taalaa ayaaneey Uurkaad ku taalaa 2× Aroortii markaan kaco Naftu aragtidaaday Ku il doogsataayoo Farxadbaan ilmeeyaa 2× Ha ku dhawro eeboo Dhibka kaa ilaashoo Aakhiriyo afuunkaba Istareex ku noolow 2× Ilayskii cadceediyo Nuur iftiimayaa tahay 2× Ifka intaan ku noolahay Ku ilaawi maayee Uurkaad ku taalaa ayaaneey Uurkaad ku taalaa 2×
Queue is empty
-- / --