VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qadra - Lyrics

Qalanjadii haweenkaa Qaadirkii ku uumaa Qurux kugu manaystoo Qadra qaalibaa tahay 2× Qosolkaaga wacaniyo Dhexdan taako qabadkaa Qun yarida talaabada Qeyrkaa ku dhaaftee 2× Calaf eebe kuu qoray Cidi kaama qaadoo Badu kaama qarisee Adna taa qirada gali Qadra taa qirada gali 2× Qaaradaha aduunyada Quruumaha ku nool gabi Ruuxaan kugu qiyaaso Kula qeyb dhigaa jirin 2× Indho qabad wanaageey Qalbi adiga kuu nool Ku qushuucsan qadarnaa Qaadir ha isku keen simo 2× Calaf eebe kuu qoray Cidi kaama qaadoo Badu kaama qarisee Adna taa qirada gali Qadra taa qirada gali 2×
Queue is empty
-- / --