VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Raxmo - Lyrics

Raxmaay aragtidaadaa Igu riday jacaylkoo Ruuxdiyo wadnaha iyo Maankaa ku raacee 2× Timahaagan digilkee Laydhu ay ruxaysee Timo araxda raacaa Nafta waa u riyaaqdoo Rabitaanka awgii 2× Ku riyooday inagoo Raaxaysanaynoo Raas wada xariirana Rukumada u taagnoo Kaa dul sheegnay caashaqa 2× Kacayoo hogiidloo Intuu daadku soo rogay Raadiyo xumayniyo Daci taan ka raadshee 2× Raysku uu qoyaan yahay Lama shido il qabato Oo ramaga dhakatii Beeraha dhexdoodiyo Rugta aanu dhaafeyn 2× Ku riyooday inagoo Raaxaysanaynoo Raas wada xariirana Rukumada u taagnoo Kaa dul sheegnay caashaqa 2×
Queue is empty
-- / --