VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xaaskeyga - Lyrics

Hadii xurmo haweeniyo Xishood dumarku leeyahoo Lagu soo xanaanee 2× Tii loo xantooshee Quruxdiyo xaragadaba Xuural ceyn la moodaay 2× Xaaskaygii ayaaneey Xaawaleyda oo idil Xidigtaan calmadayee Xilahaygii noqotoo Sheekadu inoo xiraan 2× Hooyadii xambaartaa Lagaa xoolo bixiyoo Dhama lagaa xareeyee 2× Xaajigii dhalaybaa Xeel dheeri garashiyo Xurmo lagu manaystay 2× Xaaskaygii ayaaneey Xaawaleyda oo idil Xidigtaan calmadayee Xilahaygii noqotoo Sheekadu inoo xiraan 2× Xaakim mahadii weeyaan Sheekadu inoo xiraan Xaakim mahadii weeyaan
Queue is empty
-- / --