VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Shankaroon - Lyrics

Shaxda Geela joogtoo
Keymaha biyaha shubeeniyo
ku shakaalan dooxoo
wali aan shirabo galin

Oo shilaawga ka qoortiyo
shakaal qabadka feeraha
midab shaadir madow iyo
shaash lagu hareeyee
ama shaaca dunidiyo
hadba doon shin joogta
sharafteeda leedehee

Shankaroon haweenkaay
shib waxaan iraahdaba
mar ayaan kugu shukrnayaa
shirkaan kaa amaanaa
sheeda kaa tilmaama
marka aan isla showreee
sheekeysto kaligay
waa shan iyo toban jir
Sheekh wacani dhalayeey
sharta laga dabooloo
laga naaray sheydaan

shaxda geela daaqoo
shuxda lagu dareersho
meeluu roob shanshada dhigay
dhex shibaaxinaaye
oo shalaaw garbeystoo
midib shirinladeediyo
casar kii shirbaysoo
aar shabeelinaysee
oo shuucubka kuriskiyo
shushub garaaran leedaad
shaaruf teeda leedee

Shankaroon haweenkaay
shib waxaan idhaahdaba
miyaan kugu shukriyayaa
shirkaan kaa amaanaa
sheeda kaa tilmaama
marka aan isla showreee
sheekeysto kaligay
waa shan iyo toban jir
Shiikh wacani dhalayeey
sharka laga daboloo
laga naaray sheydaan

Queue is empty
-- / --