qacdii igu kaa horaysay
hadaan qalanjooy ku doortay
quluubta intaad dhex qaaday
waliba qayrkaa ku dhaafshay
qaliga intuu ku raacay
qudhayduna adi ku doontay
quudkii cuni wayday awgaa
qiiriyo caashaq iyo qamuunyo
indhaha kuu qubay ilmada
intaad mid qab wayn ahaato
ha noqon jacayl lagu qasaaray

markuu qaadirkii ku uuntay
intuu qalad kaa ilaashay
quruxna kugu sar goooyay
qayrkeed ugu qaayo rooney
markaan qiimayn sameeyay
dhamaan qaaradaha aduunka
asluubta adaa u qaaatay
qiiriyo caashaq iyo qamuunyo
indhaha kuu qubay ilmada
intaad mid qab wayn ahaato
ha noqon jacayl lagu qasaaray

Exit mobile version