hablaha xidigtiyo
xaafada star
ama xawaadle
ku nool xero awr
midaan ka xushaay
xabiibti macaan
wanaag xasiloon
xiskaaga ku beer
xogtaydana hoo
xasuusta ku hay
xuaana ka dhawr
xabiibti macaan
xubnaha quruxdiyo
xaragada socodkiyo
ilaa xiribaha
dhabanka xaada leh
u xiisay xamdaay
gacmaha xaradhkiyo
xinaha lagu dhigay

hablaha huga xidhan
xijaabka asturan
xishoodka dhaqankiyo
xariirta huwadaay
midaan kaa xushaay
xabiibti macaan
xadhkaha noloshiy o
dhamaan xididada
xajmiga dhiigiyo
xawaaraha sidaha
ilaa xubnaha
xamdaay wada lahe
xubnaha quruxdiyo
xaragada socodkiyo
ilaa xiribaha
dhabanka xaada leh
u xiisay xamdaay
gacmaha xaradhkiyo
xinaha lagu dhigay

Exit mobile version