VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xubi laysku dhaafay - Lyrics

wax kastoo dhib xambaarsan dadku waa xaliyaayee xubi laysku xaf dhaafay iska xaal fog weeyeee hadii laysku xanaaqo hadii laysku xujeeyo xidhiidhkeeda kalsooni abidkii ma xumaado inkastoo xurguf gaadho mar mar uu xanaf yeesho ama uu dhibo xaasid jaceyl xoogleh ma wiiqmo wax kastoo leh xisabtan dhibta uu xadidaaye cishqi xeer lagu taagay xadhigii lama gooyoo hadii laysu xurmeeyo siweyn laysu xushmeeyo ama laysu xaqdhowro xagal daac ma imaado inkastoo xurguf gaadho mar mar uu xanaf yeesho ama uu dhibo xaasid jaceyl xoogleh ma wiiqmo inkastoo xurguf gaadho mar mar uu xanaf yeesho ama uu dhibo xaasid jaceyl xoogleh ma wiiqmo wax kastoo dhibxambaarsan dadku wuu xaliyaaye cishqi xeer lagu taagay xadhigii lama gooyo
Queue is empty
-- / --