Heesta Hees dhaanto - Lyrics
casar roob hoorayeey waan ku caashaqsanahay
curadkiiyow adaan raba kaa soo calmaday
caradii qoraxeey iyo cimiladeeda wanagsan
iyo faafantan caawajoogniyo jarar maan ka cawayno
sitina maan ka ciyaarno ax
nimaad calafsan mooyiye ila ciyaar
cabdi nuuroow adaan ku calfani laha
ciida hooyee af dheeriyo ceeshka nogbeed
ceelka doolo ku yaalo iyo shabeeladaad calmanayso
iyo luubaan maan u carawno ax
cawadiisooy ninkii curdan baxooy ku hela
cawadeenooy hadaan caano wada dhanaa
ciradaadiyo muuqiyo laafyahaad gudbinayso
iyo waliba camal samaanta cilmi EEBE weeyoo
alow yaad calfataa