Midabkii suleekhiyo
Samirkii ayuubbaa
Rabbigeey ku siiyoo
Zamzam qaali baa tahay

Anna sahankii dookhiyo
Sammigayga calafkoon
Dumarkaba kasoocdiyo
Sawjaddeeydi baa tahay

Surimadaa jacaylkiyo
Wadnahaad saldhigatoo
Qalbigaad ku sugantahay
Waana seera kuu xiran
Zamzam adiga kuu xiran
Macaan adiga kuu xiran

Macaan suubanaantiyo
Samahaad ku dhaqantaa
Kalsoonida isiiyoo
Farxadda ula sacabtumay

Anna saadkii nolashiyo
Sahaydii naftaydoo
Ka suntaday gayaankoo
Marwa saafiyaad tahay

Surimadaa jacaylkiyo
Wadnahaad saldhigatoo
Qalbigaad ku sugantahay
Waana seera kuu xiran
Zamzam adiga kuu xiran
Macaan adiga kuu xiran….

Exit mobile version