Sida hogol dadoo
Jiidaki heshoo
Sida hogol dadoo
Jiidaki heshoo
Loo hayaamay ba
Kuu haybiyaa

Adiguna hubaal
Isoo hilaw
Adiguna hubaal
Isoo hilaw
I hagar baxoo
Nafta ii hibee

Meel hoo rabtana
Inaan hadal wax tarin
Meel hoo rabtana
Inaan hadal wax tarin
La iskuma hayoo
Horay loo ogaa

Sida geed hungulan
Oo hadhac qabow
Sida geed hungulan
Oo hadhac qabow
Isha halacsataa
Ka hagaagi karin

Kugu soo hirtee
Haasaawe wacan
Kugu soo hirtee
Haasaawe wacan
Afka hooseyn dibnaha
Adna ha igu hodin

Kugu soo hirtee
Haasaawe wacan
Kugu soo hirtee
Haasaawe wacan
Ka hooseyn dibnaha
Hodan ha igu hodin

Meel hoo rabtana
Inaan hadal wax tarin
Meel hoo rabtana
Inaan hadal wax tarin
La iskuma hayoo
Horay loo ogaa

Exit mobile version