VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qormo - Lyrics

Hablaha qaar waxaa jira Qurux loo dhameeyoo Habka hadalka qiimo leh Ma ogtahay ka qadiyeen 2× Adigu qeyb libaaxbaad Qadaneey ku qaad Qaarba kugu siyaada Waanan kuu qushuucee 2× Qormo inaan yagleelnoo Qoys aan dhisnaabaa Qoondaystay aniguyee Qalbigaaga taa gali Qalbigaaga taa gali Oo jacaylka ila qabo 2× Hablaha qaaradeenaad Ugu qiimo weyntahoo Dhaqankaa qanci lahaa Marka la iga qaado 2× Imisaa nin qiimo leh Qabri ciida lagu rogay Ka is dilay jacaylkuba Kaa quusan maayee 2× Qormo inaan yagleelnoo Qoys aan dhisnaabaa Qoondaystay aniguyee Qalbigaaga taa gali Qalbigaaga taa gali Oo jacaylka ila qabo 2×
Queue is empty
-- / --