VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maxay dhaqasho ii tahay - Lyrics

Qofba wuxuu dhigtaystaa Dhaxalkii ahaadee Dhagar qabe aduunyada Dhibi kama maqnaatee 2× Saw dhiig islaameed Dhiilaanimo kuma tuman Saw dhiig islaameed Dhiilaanimo kuma tuman Hadaan dhuuni raacahay Dhag xumaanta nololeed Dhimashada xalaalee Sow iima dhaantee 2× Hadii aan ildheeriyo Dadkii dhawrka lagu sabo Kala nahay dhashaydii Maxay dhaqasho ii tahay Dhereg maxaan ku falayaa Dharkuu muxuu i taraya 2× Dhaldhalaalka beentiyo Muxuu iiga dhigan yahay Dhaldhalaalka beentiyo Muxuu iiga dhigan yahay Sawnigan dharkaygiyo Cunay xabaal dhukaaleed Dhererkiyo laxaadkii Sownigan ka dheeliyay 2× Sawnigan dhawaaqi la Dhiilanaa maqlaayee Sawnigan dhawaaqi la Dhiilanaa maqlaayee Dhaayihii wax aragiyo Dhagihii awdmeen Dhulku ila hadlaayee Dhegtu uu dhicin tahay Sownigan dhawaaqiyo Dhiilada maqlaayee Dhulku ila hadlaayee Dhegtu uu dhicin tahay Hadii aan ildheeriyo Dadkii dhawrka lagu sabo Kala nahay dhashaydii Maxay dhaqasho ii tahay Dhereg maxaan ku falayaa Dharkuu muxuu i taraya 2× Dhaldhalaalka beentiyo Muxuu iiga dhigan yahay Dhaldhalaalka beentiyo Muxuu iiga dhigan yahay Hadii dhaawac kugu yaal Oon dhaymo loo helin Dhaymadu waxay dhigaysa Dhaqda oo la diidee 2× Waxba dhawrsan maayee Dhaqda loo badheedhee Hadii ay dhab iga tahay Halka ay ka dhawdahay Dhuuntaan is jarayaa Waxba dhawrsan maayee Hadii ay dhab iga tahay Wadne dhiiga kala hora Dhuuntaan is jarayaa Hadii aan ildheeriyo Dadkii dhawrka lagu sabo Kala nahay dhashaydii Maxay dhaqasho ii tahay Dhereg maxaan ku falayaa Dharkuu muxuu i taraya 2× Dhaldhalaalka beentiyo Muxuu iiga dhigan yahay Dhaldhalaalka beentiyo Muxuu iiga dhigan yahay
Queue is empty
-- / --