Samiriyo dulqaadiyo
Qurux aan salguureeyn
Ayaa kuu sugnaatoo
Saaddir kugu mannaystee

Sabankan hablaha kacay
Cidaan kugu sifeeyiyo
Simaneey qof kula mid ah
Soomaali kuma arag

Quruxdii suleekhaa
Sinji raacday muuqoo
Suuuraddaada oo qura
Ayaa soo dhawayniyo
Nafta sooryo ugu filan

Sirta nolashu ma ogtahay
Waa guur samaadiyo
Naftu teey sawiratoo
Sama lala wadaagee

Marhaddaan siciidaay
Ka salgaarnay caashaqa
Sabadkaa agtiilliyo
Saadashu waa guur

Quruxdii suleekhaa
Sinji raacday muuqoo
Suuuraddaada oo qura
Ayaa soo dhawayniyo
Nafta sooryo ugu filan

Exit mobile version