Dumar ugu filrooneey
Naftaydaa ku damacdoo
Dookhaa ku raacee

Sidaad tahay darmaan faras
Dooxa caws leh joogtoo
Hannaan loogu daw galay

Deegaanta roobkiyo
Naqa iyo dareemada
Dul ladaabanaysa

Ayaad dahab lamoodyeey
Du mar qaaya dheer tahay

Waxaa daawa ii noqon lahaa
Adigoo dushii mudug
Deexiyo cadduuniyo
Dalsan ciiddii loo bogay
Dadab igula gala oo
Soo dabaala caashaqa

Runta lama daboolee
Adigaa dibnaha iyo
Qalbigaba ku daabacan

Inta dunida joogtiyo
Hablaha dalkeennaan
Kaa doortay adigee

Qurux waxaad ladaw tahay
Daa'uuska muuqiyo
Daawashada ku wacaneey

Aan danteenna eegnee
Dunta ma isku xirannaa

Waxaa daawa ii noqon lahaa
Adigoo dushii mudug
Deexiyo cadduuniyo
Dalsan ciiddii loo bogay
Dadab igula gala oo
Soo dabaala caashaqa

Exit mobile version