Heesta Olol jacel - Lyrics
Ima ogidee waxaan ahay
Axfi kuma ciyaaree
Ima ogidee waxaan ahay
Ilaahay usamiroo
Waxaan ku habeed galay
Hawliyo tilmaaniyo
Hurdayaha xera gala
Adduunyadaa waxaa yiri
Habsamaad u furatoo
Iimaankiyo kalgacalkuba
Islug keeni maayee
Sida ayra geel dhalay
Kuu olalayaaa
Sida olol la shidaybaan shin hore qataayoo
Sida ubax la beeray indhuhu kugu farxaanoo
Sida ubad aan dhalay baan kuu uur fayooboo
Sida oogadaydaan kuu ilaaliyaa
Sidaa aayaddii baan afka kugu hayaaye
Adiguna aqoonso bilicdaana rkaa
Ima ogidee waxaan ahay
Nin ximaha kusaaroo
Ima ogidee waxaan ahay
Samaaan lagu huboo
Waxaan kuu hadeer galay
Afariyo tobnaadiyo
Aflagaadadiyo diiday
Afku reebliyo nabar
Aduunyada waxaan imid
Maalintii islaamkoo
Lagu ciiday xaramkoo
Ibliisku uu xirxiranyahay
Waxaan uur habeen galay
Afariyo tobanaadiyo
Afagaalle iyo dirir
Habeen dhaanku cayn yahay
Aduunyada waxaan imid
Maalintii islaamkoo
Lagu ciiday xaramkoo
Ibliisku uu xirxiranyahay
Waxaan sida shiikh asluublaan
Kuu ammaanayaayoo
Sida olol lashiday baan
Meel dheer kaa arkaayoo
Sida ubad aan dhalay
Kuu ilaaliyaayoo
Sida umuun fiyowbaan
Adi kuu samraayoo
Sida aduu uraydaan
Kuu aaminaayoo
Sida aadam laan ahay
Ogalaaadaybaa oo
Sida oogadaydaan kuu ilaaliyo
Adigiyo naftaydaan ifka ugu jeclahayee
Adiguna aqoonzo bilicdaan arkaa