Heesta Samir - Lyrics
Samiiraay sidaan qabo
Ruuxaan kula simaa
Ma dul saarna ciiddoo
Dumar waad usidataa
Saadkaa quruxi leedahay
Allaa kugu sargooyoo
Sifahaagu waa edebee
Samir iyo duulqaad
Aan kuma saluugoo
Salfudayd umaad dhalan
Inaan sahashadoon
Sayriyo jacayl
Suuroobi maysee
Adiguna samiiraay
Ha beddelin sidaad tahay
Samiiraay haddaan
Jacayl loo sinneeyn
Salka meel madhigayoo
Dhibta seegi maayee
Inta aan ku suganahay
Saba durugsanoo dheer
Axdigii masii deeyn