Aramida jacaylkiyo
Il nugaylka kalinimo
Aadamiyo xaawaa
U adkaysan waayee

Anna xaaja ugubiyo
Asaraar makeeninee

Ishqigaad abuurtoo
Aragtida kabeermaa
La itaal darreeyee

Anba kuguma eegteen
Eedaadka caashaqa

Haddaad ii ildarantahee
Amraneey wax ila qabo
Arintayda maaree

Gacal kala irdhoobiyo
Indha caashaq daashaday
Midna uurku taalliyo
Ilma kama dhammaatee

Anna ubax lammoodyee
Naftu olol maddaysee
Ililaha wadnaha iyo
Agagaarka beerkaad
Inanyahay ku taallaa

Anbaa kuguma eegteen
Eedaadka caashaqa

Haddaad ii ildarantahee
Amraneey wax ila qabo
Arintayda maaree

Exit mobile version