dheeman iyo lala simin dhagaxaan dahaba
ubaxayo dhibica meyeyku dhaashanin
dhabeel iyo lagu xaman dhabcaanimo

qalbigaan kugu dhigaad ku dheertahay
dharaar kamama maarmo dhaayuhu
farxadabaad dhalisaa dhamaanana

xisikiyo dhimirkaa kula dhacay
dhuumaha wadnahayga dhaawaxay
dhamaan saw codkaaga kuma dhayo

sidaan kaaga dhawrto dhaxamaha
dhaawaxa idamqaaya kugu dhaca
dhibtiyo iigu diiday dheekiga

ma anaa kugu dhaha dhawaaq kulul
ma anaa dhugan kara dhigaa dumar
ma anaa dhib ku bada dhamastiran
dhalaal badan dhuux ku dhaafsada

ma anaa kugu dhaadan kuu dhiman
dhaydiisa gal gacal kula dhamin
dhalinta aawadaa udheeg marin
dhamaan aynigaa ku dhaafsana

Exit mobile version