ilawaad quruxdada
abuurta naftaada
iftiinka korkaaga
indhah uriyaaqay
ayaa dibanahayga
baraya amaantaada

anigu dhaqana kaaga
odhaah hadalkaaga
macaaan eraygaaga
qalibiga oranaaya
ayaa wadnahayga
jacal ku abuuray

ku maarmay agtaada
u moomay codkaaga
ahaaday dhankaaga

adeecay warkaaga
ku rastay agtaada
adkeeyay danteena

inaan ku jeclaaday
waxaan ku ogaaday
markaan ku agjoogo
sidaan u ekaado
bal eeg eeg farxadayda
eeg eeg eeg faraxdayda

inaan ku jeclaaday
waxaan ku ogaaday
markaan ku agjoogo
sidaan u ekaado
bal eeg eeg farxadayda
eeg eeg eeg faraxdayda

Exit mobile version