maankaa kugu sooray maad hanan
farxadaan ku magaabshay maaddayn
waanadaan kugu sooray maad maqal

midkalaan isku maranay maad odhan
agtaada kamaagay maad odhan
halkaad iga maagtay maan garan

meeshaan kugu sugayay maad iman
waxaan kugu mahadsho maad falin
milgeheedii naftayda maad marin
qofkii aan ku mooday maad noqon

waligaa murugiyo dhib maad mudan
xusuus kugu miratay maad miran
waji aan magan galiyo maad dhigan

miciin kal kumudatay maad tarin
midigta naf madluusan maad qaban
maalina waajibkaaga maad gudan

Exit mobile version