naf dhanbaan sideeda kuugu dhiibayoo
qaliga si dhaba hoo ku dhahee
dhamaantii dadkaba wadne kaaga dhow
wadne kaaga dhow ku dhex noolidaa
hadalkaaga dhaga aan wax dhaafsanbaa
aan wax dhaafsanbaa ku dhagaysta oo
dhaayahaan ilmada dib u dhigan karayn
dib u dhigan karayn maray ku dhugtaan
kaa helay jacalba siduu u dhanaaye
shaw adaa ka dhignaa dhinacayga
farxadayda dhan baad ka dhignaatay
ruux kuu dhigmaa kugu dhaatayoo
dhaaxaan in badan dhibta kaa jiree
dhaymaneey kalgacal dhimir kuu qabaa
dhimir kuu qabaa cid ku garab dhigayn
dhaqanakaaga naf aan ku dhaliilinbaa
ku dhaliilinbaa ku dhawaysata oo
qalbigan dhigaa kula simi karayn
kula simi karayn o aan dhaafsan karin

Exit mobile version