dad is dhawrta
dhaayo is eegta
axdi dhaba dhigtoo
isu dhaarta
isku dhiga qalbiga
isu dhiibta
dhabta dhabta ubaxyo
dhawra sku saara
dhaayo laba ah aan
dhib isku gaysan
isku dhaartoo
dhaawac is yeelin
isku dhicin dhex
dooda cid qaadin
kala dhiman dham
baal kala waayi
gob is dhaqata
dhuuxa wadaagto
kala dhiman dhul
dheer kala aadin
midba dhinac dhan
kiis mid ka eegta
dhalin nolosha
guul ka dhabaysa
dhadig iyo lab
dhiig isku jiito
isku dheer kal
gacal isu dheehda
inakaa dhamays
dhulka joogna
dhugashiyo dareen
isku dhaana
kuna dhaqan
dhoola cadayne
kudhac kudhac
noloshu waysugu