dharab tira ifka taagtaay
tiiro guuroo mugdi tirayaa
ubax tacab galoo ta aan ifayaay
tigaad lacdo tisku hurayaay

ana taan dumar kan tirsadayeey
aan ku taamee tunka siiyay
jacal igu tolan tu i hawleed
nafta teeduun tun u isiiyaay

hadmaad la tacaal taloow garanoo
hadmaad iitudhi tahan badanoow
hadmaad taagtaa tiri odhanoo
hadmaad iitabi sidaan kuutabo

qurux taamoo aadmi tirin karin
tixo gabay iyo tirib koobay
tuu ilaahay dusha tabayee
tabteed nooluhu tiigsanaayaay

xiiso tawsliyo dareen igu taxan
jacal aan tan nafta uqaday
caashaq tobon goor iitabcaayay
waxa tar ana aan utabayaay

Exit mobile version