VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ruxa iruxa - Lyrics

Rucub ubaxa iyo Rumaan miihiraay Rays iyo Ramaasi riyaaq gashaay Mar iruxa ruxa farxad igu ruxaay Ii reeya rey niiraysayeey 2× Waxa rara gubyood cidlo reemo kali Raxmad ii da,doo I rushaysayeey Rajada aan nushee rabi igu simee Niyadiyo wakhtigu ii rumeeyayeey 2× Rax waan kugu ahee adna ii raxlee Aynu raaxo duni rixi raaxaysanoo Macaan ruuxuyee guraxaabanee Ris jacayl dhex yaal ila dhigo raxliga 2× Roog casaan qalbiga rasmi uga fisaay Raasamaal kalgacal taan ku raacayeey Sidaan rabo rabaay samo ila rabaay Ii rooney roon niiroon aheey 2× Waxaan raadiyoo raacdeeyo libi Roobkii gu,gee haraad iga rogaay Ramad ii dhaloo baahi I rabeey Ruuxdaan darteed rayn-rayn galaay 2× Rax waan kugu ahee adna ii raxlee Aynu raaxo duni rixi raaxaysanoo Macaan ruuxuyee guraxaabanee Ris jacayl dhex yaal ila dhigo raxliga 2×
Queue is empty
-- / --