Rucub ubaxa iyo Rumaan miihiraay
Rays iyo Ramaasi riyaaq gashaay
Mar iruxa ruxa farxad igu ruxaay
Ii reeya rey niiraysayeey
2×
Waxa rara gubyood cidlo reemo kali
Raxmad ii da,doo I rushaysayeey
Rajada aan nushee rabi igu simee
Niyadiyo wakhtigu ii rumeeyayeey
2×
Rax waan kugu ahee adna ii raxlee
Aynu raaxo duni rixi raaxaysanoo
Macaan ruuxuyee guraxaabanee
Ris jacayl dhex yaal ila dhigo raxliga
2×
Roog casaan qalbiga rasmi uga fisaay
Raasamaal kalgacal taan ku raacayeey
Sidaan rabo rabaay samo ila rabaay
Ii rooney roon niiroon aheey
2×
Waxaan raadiyoo raacdeeyo libi
Roobkii gu,gee haraad iga rogaay
Ramad ii dhaloo baahi I rabeey
Ruuxdaan darteed rayn-rayn galaay
2×
Rax waan kugu ahee adna ii raxlee
Aynu raaxo duni rixi raaxaysanoo
Macaan ruuxuyee guraxaabanee
Ris jacayl dhex yaal ila dhigo raxliga
2×
