Jacaylkii indhaha i tiray
Labadiina kala helay
Wali waan ku hawlnahay

Habeenkiyo dharaartii
Hurdada iyo soo jeed
Had iyo jeer
Hamigiisa u imaadee

Anigoo u hagar la,aa
Wali xadhiga u hayaa
Anigoo u hagar la,aa
Wali xadhiga u hayaa
Hoobeey hoobeeyaa
Hoobeey hoobeeyaa
Wali xadhiga u hayaa

Jibaaxiyo jid goynkaan
Hawadiyo dabayshaan
Saxansaxada jaxeeraa

Jilaaciyo nuurkaagaan
Ayaan xaliyo baarkeed
Hanqarkaaga
Calaf iga kajaw lahaa

Anigoo handanayaa
Wali xadhiga u hayaa
Anigoo handanayaa
Wali xadhiga u hayaa
Hoobeey hoobeeyaa
Hoobeey hoobeeyaa
Wali xadhiga u hayaa

Anigoo u hagar la,aa
Wali xadhiga u hayaa
Anigoo u hagar la,aa
Wali xadhiga u hayaa

Hoobeey hoobeeyaa
Hoobeey hoobeeyaa
Wali xadhiga u hayaa

Exit mobile version