Markuu taagan yahay kali
Caqli wuxuu tukubiyaa
Kalo dihashadedii
Waxa tiirka dhiga adaa
Aqoontiyo waxbarashada

Tuko iyo sidii haad
Gaad ii taxaashoo
Cirka toos u lala iyo
Wadaankaa talowshii
Dhulka qaar la toocshaa
Tayadooda u eegaa

Labo tahan kala jira
Telephone hadlaayiyo
La isku tooyanaayee
Tiibiyaha xidhiidhshaa
Tayadooda weeyaan

Waxa kabaha noloshiyo
Taageero lagu helaa
Tacliintiyo waxbarashada

Waxa kabaha noloshiyo
Taageero lagu helaa
Tacliintiyo waxbarashada
Tacliintiyo waxbarashada
Tacliintiyo waxbarashada
Tacliintiyo waxbarashada

Waxanaha wareegiyo
Taariikhda eegoo
Tacabaan cilmi lahayn
Jarmiyuhu ka maqan yahay
Iyadoon tagoogada

Tamar buura loo hayn
Taawilaada sahankiyo
Waxa toobiyaha helay
Caqliguna ku tiirsaday
Tacliintiyo waxbarashada
Toogada aduunyada

Baahidii timaadaba
Hadii aan cilmigu tolin
Cidi kuma tanaadee
Waxa lo tartamayaa
Tubaha guusha loo maroo

Waxa kabaha noloshiyo
Taageero lagu helaa
Tacliintiyo waxbarashada
Tacliintiyo waxbarashada
Tacliintiyo waxbarashada
Tacliintiyo waxbarashada

Exit mobile version