VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Garayskayga gacanta - Lyrics

hadaad gabadhyahay wax garad tahay ninkii ku gayee gu' wada dhalateen garayskaaga sow ma goyn karo ninkii ila gado ee gayaanka noqdiyo gu' iyo ha lagaadho goorteeda ee garayskayga gacanta ha u celineey hadaad guur u joogto gabadhyahay gacan rag way salaantay gaadadoo gole iyo nafba waa la gaadhsiinee garawso ninkii i guursanaayaa inuu gaadhi karo goshiyo naaskee garayskaya gacanta ha u celineey nin guurtiyahoo geed kuula socdaa markuu gurigiina soo galo ee ma garanwayday gogol in loo dhigo nin guurmaday guri haduu tago ee markuu soo galaba ma gacan dhaafee gayaanka ma goonibaad tahay
Queue is empty
-- / --