VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Bidhaan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Maxamud khadar
Bidhaan

Ala bilicsanaa
Bidhaantu waa canaan
Ala bilicsanaa
Bidhaantu waa canaan
Ma baqiyo xareed
Isku biiraybaa
Isku biiraybaa

Ma bil dhalatayoo
Bishaariyo kalgacal
Laga beegayaa
Laga beegayaa

Ma laas caano iyo
Balad lugo lohoo
Loo baratamoo
Loo kala baxaa

Ma buuhoodle iyo
Balad hoodo loo
Loo baratamoo
Loo kala bataa

Quruxdu barakaysanaa
Balaayo kaa xijaabanaa
Quruxdu barakaysanaa
Balaayo kaa xijaabanaa
Barwaaqiyo hodan san baa
Ilaa boga lagu haya iyo
Badbaado ku fiicanaa
Badbaado ku fiicanaa

Ala baahi iyo
Wali arag basaas
Ala baahi iyo
Wali arag basaas
Boqonkooda oo
Isku biirinbaa

Ma mid bogashadeed
Beerkiyo wadnaha
Baahideed qabaan
Baahideed qabaan

Beertii janada
Mid ka soo baxdoo
Na soo booqataa
Na soo booqataa

Quruxdu barakaysanaa
Balaayo kaa xijaabanaa
Quruxdu barakaysanaa
Balaayo kaa xijaabanaa
Barwaaqiyo hodan san baa
Ilaa boga lagu haya iyo
Badbaado ku fiicanaa
Badbaado ku fiicanaa

codkii Maxamud khadar