Midabada kan ugu mudan
Una muuqa dheeriyo
Masciideed dhalaaliyo
Mariinka furanee
Marna aan cos jabinee
Waxa tahay ma dhaafaan

Madheedh
Madheedh ciidsan miiree
Malko wacan ku yaalo
Curugiyo magooloo
Dusha midho bislaadoo
Miida isa saariyo lagu mood
Lagu mood baandheeraay

Madadaaladaadaan
Mar kastaba tabaayoon
Sargaal muhasho ciiso ah
Haahaahaa
Inta aan u magac dhabo
Heeheehee
Dhadhabkiyo muraaqaba
Ala muraaqaba malab kuugu
Malab kuugu yeeraa

Nuureey maydhax gobonimo
Muunad lagu tusmeeyiyo
Meesha ay ku gorortiyo
Ruuxii lagu manaystee
Macbuud uu ku siiyoo
Waxa tahaay mulaaxdeed

Madashan ku kulanay
Naftuuna aragaageey
Mahuraan ka dhigatoo
Maalintii shan goorbay
Barni waaga gacalada
Meehataa meehataa mililicada

Madadaaladaadaan
Mar kastaba tabaayoon
Sargaal muhasho ciiso ah
Haahaahaa
Inta aan u magac dhabo
Heeheehee
Dhadhabkiyo muraaqaba
Ala muraaqaba malab kuugu
Malab kuugu yeeraa

Exit mobile version