Hadii maayad xoogliyo
Mawajdii i qaadoo
Mawajdii i qaadoo
Bada aan maquurto
Ma milaayo caashaqu

Waxaa tahay midii qudha
Naftu ay muhatiyo
Milgo iyo xishoodiyo
Qurux lagu manaystaay

Waxaa tahay midii qudha
Naftu ay muhatiyo
Milgo iyo xishoodiyo
Hadaf lagu manaystaay

Munaay kalgaclbaad
Maankayga galisoo
Ma ilaawi karayee
Ma ilaawi karayee

Maalintaynu kulanaa
Caashaq igu maleegmoo
Maanku ku raacaa
Maanku ku raacaa
Kaa maarmi karinee

Marwo nima u hadalkiyo
Miisaanka socodkiyo
Masha aleeh quruxbaa
Laguugu deeqoo

Munaay kalgaclbaad
Maankayga galisoo
Ma ilaawi karayee
Ma ilaawi karayee

Exit mobile version