Dadka kal irdhoobee
Dugsanaaya nacabkee
Walaalaha isku xun
Jidhku iga damqanayaa

Ciidii dalkeenii
Dabkii aan ka hurinaa
Dayaceena keenayoo
Dar xumaa

Calankii dusheeniyo
Isku duubnideenii
Sharaftii sharaftii
Hooy hooy ma doonaa

Dabinkaa mareegtiyo
Lugta igu dambaysiyo
Dacartaa cadaawuhu
Jirkuu iga damqanayaa

Darsankii dhulkeenii
Danaba aan horseeda
Dalaan baabi keenayoo
Dakharaan la ooyaa

Calankii dusheeniyo
Isku duubnideenii
Sharaftii sharaftii
Hooy hooy ma doonaa

Exit mobile version