Dhaayihii naftaydaay
Markaa aan eegee
Indhaha ku saaraba
Waxaan iila bilic tahay
Door soo hilaaciyo
Sida dhibicda roobkoo
Saacoo dalaawii

Runtii waxaan la dhaygagay
Sida eebe kuu dhigay
Ee kuu dhameeyiyo
Midabkaaga dhaydaa

Dabarkaaga nuurka leh
Timahaaga kala dhigan
Dhexda soohan geenyoo
Tabtii caashaqaagii
Uu iigu dhamaadee

Aan dhiiga kuu shubo
Adna ruuxda keen
Wadnayaasha dhaladeey
Dhaladeey
Ha inaga dhexeeyo
Wadnayaasha dhaladeey
Dhaladeey
Ha inaga dhexeeyo

Wali gabadh kumaa maqal
Dhayana kumaan arag
Boqolaal sano may dhalan
Mid aan kuu dhaweeyaa
Dhinacaaga joojaa
Dhalintaan da,daadiyo
Hablihii dhaqaaqee

Runtii waxaan la dhaygagay
Sida eebe kuu dhigay
Ee kuu dhameeyiyo
Midabkaaga dhaydaa

Dabarkaaga nuurka leh
Timahaaga kala dhigan
Dhexda soohan geenyoo
Tabtii caashaqaagii
Uu iigu dhamaadee

Aan dhiiga kuu shubo
Adna ruuxda keen
Wadnayaasha dhaladeey
Dhaladeey
Ha inaga dhexeeyo
Wadnayaasha dhaladeey
Dhaladeey
Ha inaga dhexeeyo

Exit mobile version