Runbaa la ii kaa tusoo
Riyaan kugu daawadaa
Jidkii aan kula rabay
Runtii adigaa maree

Sidii roobkii curtoo
Dhulkuna rays iyo xareed
Sidii roobkii curtoo
Dhulkuna rays iyo xareed
Raxmadu walay gaadhaybaa
Macaan lagu doogsadiyo
Ruuneey naxariistii

Rafiiq kii kula noqdaa
Wacaaneey kugu raynayoo
Waaxdaan kaa raysaneyn
Ala ruuxii ruuxii
Nolol kula wadaagee
Rafiiq raaxadii ifkee

Ruuneey quruxdii hablaha
Ayaad ugu roontahoo
Amaanbaad iga rabino
Rabaa ku wanaajiyoo
Dulmiga kaa reebayoo

Raaskii aad ka beerantiyo
Waalidkii ku raneeyaybaa
Ka raacday wanaaganoo
Raadkii adigaa hayee
Ruuneey ha ka leexanin

Rafiiq kii kula noqdaa
Wacaaneey kugu raynayoo
Waaxdaan kaa raysaneyn
Ala ruuxii ruuxii
Nolol kula wadaagee
Rafiiq raaxadii ifkee

Exit mobile version