Heesta Dahran - Lyrics
dareenkii naftaydaay
dadka waxan u jecelahay
dagan aragtidaade
caashaqu dahraaneey
dab la shiday ka kululoo
damaqiyo xanuunba lee
daadihii kalgacalkoo
cishqigan i daashaday
xubi iga dabiiboo
daadhihi kalgacalka
dire dire warkiisiyo
ka fagow danbiiloo
danaheena gaarka ah
daganeey ogsoonow
daruurtii i deeqdaay
dookhaygaa ku raaco
kaa doortay dumarkee
caashaqaan damaynbaa
wadnahayga dagayoo
igu kaa dirayee