hadii qiimiyo inuun qurux
qofuun lagu sheego loo qiro
WAYNUHU kugu qeex wax qaybshaa

hablaha qarnigaad u qaali tahoo
qormaad isu taagtay qayrkaa
adaan qalanjooy ku qaayibay

jacayl ma qarsoonto qoontiisuye
qudhuu helay qeexi kari waayee
qofnaba kama lado haduu ku qabsado

hadii qiiriyo qandhiyo nabar
cishqigu qamar iyo qisaas yahay
la i qoofalay qays sidiisii

waxaan qariyaba haday qaraxdoo
qudhaydii tagtoo qolfaan ahay
maruun ila qabo waxaan qabo

Exit mobile version