VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hormuud - Lyrics

Oohey kulankii horjoogaagii Hagoog dumar yahay laabta qurxoon Indhihii halacsaday jacayl ku nabee Oohey kulankii horjoogaagii Hagoog dumar yahay laabta qurxoon Indhihii halacsaday jacayl ku nabee Hanaanka wanaagsan Hadalkaagiyoo habkaad U dhaqaaqdaybaan ka heloo Kuu soo hirtayoo mabana hakanee Hanaanka wanaagsan Hadalkaagiyoo habkaad U dhaqaaqdaybaan ka heloo Kuu soo hirtayoo mabana hakanee Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Anaa hugub haybad Lagu sariyee Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Anaa hugub haybad Lagu sariyee Xishoodka hadheeye halis galiyoo Hirbaad tahay loo hanweyn yahayee Hablahaad u hotmoodey hugashada ee Xishoodka hadheeye halis galiyoo Hirbaad tahay loo hanweyn yahayee Hablahaad u hotmoodey hugashada ee Sidii hogol hoortey kuugu hirtoo Hilaac wacanaynay naftay huguntoo Markay hanqaday mabay hakanine Sidii hogol hoortey kuugu hirtoo Hilaac wacanaynay naftay huguntoo Markay hanqaday mabay hakanine Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Anaa hugub haybad Lagu sariyee Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Hidiyo dhaqan baad Hormood u tahee Anaa hugub haybad Lagu sariyee
Queue is empty
-- / --