Sida roob gudgudayoo
Bari galax ka soo yidhiyee
Dawlalalaya hawdeen
Hayee go,iisiyoo
Godanada xalxalisee
Gaashaamo biyo dhigay

Sida roob gudgudayoo
Bari galax ka soo yidhiyee
Dawlalalaya hawdeen
Hayee go,iisiyoo
Godanada xalxalisee
Gaashaamo biyo dhigay

Gibladiyo cayaaraha
Dhalinyaro is guratay
Googooso boodee
Gibladiyo cayaaraha
Dhalinyaro is guratay
Googooso boodee

Ana waxaan gu,yaal badan
Intaa gaaf wareegaba
Adaan adaan kuu gonleeyahay
Ana waxaan gu,yaal badan
Intaa gaaf wareegaba
Adaan adaan kuu gonleeyahay

Sida geenyadii bariyee
Gutiniyo saraaree
Gubadtooyin lagu furay
Galabtiina mayracayee
Gar adag la daajoo
Geebis loo habeeyee

Sida geenyadii bariyee
Gutiniyo saraaree
Gubadtooyin lagu furay
Galabtiina mayracayee
Gar adag la daajoo
Geebis loo habeeyee

Soo naari gaaroo
Gayigaba ku caanoo
Gula joogsi laatee
Soo naari gaaroo
Gayigaba ku caanoo
Gula joogsi laatee

Ana waxaan gu,yaal badan
Intaa gaaf wareegaba
Adaan adaan kuu gonleeyahay
Ana waxaan gu,yaal badan
Intaa gaaf wareegaba
Adaan adaan kuu gonleeyahay

Exit mobile version