Heesta Haraad - Lyrics
haraad iyo gaaja iyo dadkoo hiirtaanya qaba
maxay hogol ii dadoo intaan kuu huray nafta
misana kugu huray jacayl
maxaan hebed nimo dartaa halbawlaha kuu furoon
jidhkayga ku huwiyoon qalbiga hoy kaaga dhigay
hal iyo nirigbaynunohoo ilayn isma huri karee
jacaylkan igu habsaday huunoy hareeraha ma ila qaban
hadaan shalay hadimo falay halbawlaha aan ku jaray
wadnuhu ku habaayay dhiig maantaan kuu hagar baxoo
hidaydu waa kkuu hibee
hirkii ii hilaacayaay hoobaantaan kuu guroon
horwayn dhalay kuu lisoon sidii sabi kugu habee